Walwalka da'daada.

Da'du waa tiro oo kaliya ma ahan inaad ka walwasho waayo waxba kama qaban kartid, mana wanagsana inaad ku mashquusho wax aadan waxba ka qabankarin oo aad ka fara banaa naato wax aad awoodo inaad qabato.

Hadii aa tahy qof wayn waa wax allaah lugu mahdiyo waayo ilaahay wuxuu ku siiyay fursad aad ku cibaadeysan karto , ku shaqeysankarto , khibrad iyo aqoon na aad ku kasbankarto. 

Dad badan ayaga oo kaa yar ayay dhinteen, iyaga oo kaa camal yar ayay ka tageen dunidaaan.

Hadii aadan la dhacsaneyn wixii aad ku fashay maalmihii kaa tagay wali fursad ayaad haysataa ilaaahay u toobad keen.

Ilaahay wuxuu quraanka ku yiri " soo idinma siin waqti aad ku waansami kartaan" 


Hadii aad yartahay waa nimco kale waxaad haysataa awood , firfircooni xamaasad iyo maskax cusub waa inaad ka faaideysato waqtigaaga oo aad ku cammirto cibaado, barashada diinta iyo culuumta kale ee nafciga leh , aqris iyo wax qabsi.
Waa inaad noqoto shaqsi ka duwan dhallinyarada maanta jirta xagga cibaadada , akhlaaqda waxbarashada , shaqada iyo mareynta waqtiga .

Qaado taladaan maanta hadii kale waad soo xasuusan doonta goor aysan waxba kuu galin. 



  .الوقت كالسيف إن لم تقطعه قطعك القائل.          

                 Maalin wacan.