Waad ka dharagsantahay sida ay kuu soo barbaariyeen waalidku, sida naf iyo maalba ay kugu hureen, sida soo jeedkooda ay kugu badaleen hurdadaada, sida walwalkooda uga dhaliyeen farxadaada, sida dhididkooda iyo dhacaankooda ay kuugu hureen , sida rafaadkooda ay ugu bedeelen raaxadaada.


Hadaba is waydi maxaad adigu u tartay waalidkaaga?

Maxaa kaaga qorsheysan waalidka?

Ogsoonow hadii aadan daryeelin waalidka, u daadalin adiga ayay kaa go,antahay kuwa aad naf iyo maalba uhurtay ayaa ku marsiin doona abaalkaada hadii aad garanwaydo xaqa kuwa naf iyo maalba kuu huray.

Xiriir joogto ah lasamee waalidka

Markasta ka war qab waalidka hadii aad la joogto la sheekeyso, la fariiso, u adeeg haadii aad ka fogtahay wac, booqo, la soco xaaladooda.

Ma gudi kartid xaqa waalidka balse waxaa lagu faray inaad baari unoqoto, caawiso, daryeesho, u duceyso, la saaxibto, wax siiso waxaana intaas lagu gaaraa raalli ahaanshaha alle iyo janno.

           Maalin wacan