Kasbo xoolo xalaal ah

Dadka oo dhan waxay jecelyihiin maalka ilaahy wuxuu suuratul fajri ku yiri : "maalka waad jeceshihiin jacayl farabadan".

Ma xuma inaad kasbato maal xalaal ah waxayba noqon kartaa hab kale oo aad ilaahay SWT ugu dhawaan karto , adiga oo bixinaya waajibaadka sakada, xajka sidoo kalena sadaqaysanaya balse wuxuu xaalku xunyahay marka aynu xoolo xaaran ah ururino, deetana aan  ka tagno oo dad kale ku xisaabtamaan anaga nalakula xisaabtamo .
Nabigeena NNKH wuxuu yiri " adoonku cagaha meesha uu ku hayo ka qaadi maayo ilaa la waydiiyo xoolihiisa meesha uu ka keenay iyo halka uu ku bixiyay....."

Mid ka mid ah culumada salafka ayaa yiri "waa kulmiyeen mana cunin waa dhiseen mana dagin" sidaas oo kale gabar wanaagsan oo la dardaarmeysa sayigeeda waxay tiri '' waxaan kugu ogahay kasab xalaal ah waayo gaajo waa u adkaysan karnaa laakiin naar uma adkaysan karno".

Hadaba walaalayaal waa inaan ka fikirno kasab xalaal ah bedelka sidee lacag ku helaa uun.

Waligaa naftaada, waalidkaaga, iyo caruurtaada iyo cidna ha siin wax aan xalaal ahayan,  waligaa haka shaqayn goob aadan ka helayn  kasab xalaal ah ka ilaali shaqadaada been, khiyaano, wax isdaba marin iyo ribo.