Ilaali sirta qoyska.

Cidna ha kala hadlin wax ku saabsan qoyskaaga sida dabeecadaha ninka ama gabadhu, sida uu wax bixiyo ninku, arimha sariirta iyo biilka.


Ha raadin xog ku saabsan qoysaska kale waayo taasi waxay u baahan doonta wax aad ku iibsato inta badan waana inaad bixiso xogta ku saabsan qoysaskaaga.

taladaan waxay si gaar ah u khusaysa dumarka oo inta badan diirrad  saara arrimaha qoyska kolka ay sheekay sanayaan taas oo halis ku ah dhamaan qoysaskeenna.

Hadii aad  ilaaliso xogta qoyska waxaa laguugu ixtiraami doona inaa tahay gabar aqli badan oo ka duwan inta badan hablaha, waxaad ka badbaadi doonta faragalin dibadda ka ah qoysaskaaga, waxaad ka badbaadi doonta dambi iyo xan badan, adiga iyo dadka u isticmaali lahaayen xogtaas si khaldan.

Ha barbar dhigin xogta, biilka , dhaqanka iyo agabka reeraha kale kuwaaga noqo qof xor u ah hab dhaqankeeda aaragtideeda iyo maamulka reerkeeda.

                           . قارئ اليوم قائد المستقبل .  .                 

Maalin wacan .