Ilaahay ku tiirsanow 

Guusha aan raadinayno aduun iyo aakhiro waxay ku jirtaa gacanta Allah ciduu doono ayuu siiya , ciduu doono ayuu ka qaadaa. 

Hadaad rabto xoolo, xaas/sayi, ubad, mulki, magac iyo maamuus waxaa bixiya ilaahay (swt) sidaas darteed ilaahay ku xirnow, ka cabso, ilaahay ka Bari waxa aad rabto. 

ILahay waa qani dhammaan dadku waxay u baahanyihiin haduu siiyo waxba ka Yaraa maayeen balse waa imtixaan wax kasta qofkii wax la siiyo waxaa la eegayaa inuu shukriyo qofkii wax la siinna waxaa la eegaya inuu sabro. 

Sidaas darteed ayuu  nabigu NNKH wuxuu yiri "arimaha qofka muslimka ah dhammaantood waa kheyr hadii uu wanaag helo waa mahdinyaa markaas ayay u tahay kheyr,  hadii ay dhibaato gaartana wuu sabraya markaas ayay u tahay kheyr"