Doobnimadu waxay ka daran tahay cuduro halisa.

Daraasad cusub oo dadka ka nixisey ayaa sheegtey in kalinimada ama doobnimadu ay ka halisan tahay cuduro khatar ah sida buurnaanta. Bani’aadamka ayaa lagu sheegayaa

xayawaanka bulshaawi ah balse waxay iminka arrintu u muuqataa iney intaaba kasii xag jirto oo ay la jirka dadku muhiim u tahay caafimaadkeena. 

Tirakoob cusub oo soo baxey ayaa sheegaya in kalinimadu ay keeni karto ixtimaal gaadhaya 50% uu qofku cimri degdego marka loo barbardhigo halista geerida ay keento buurnaanta oo ah 30%.

 Caafimaad ahaan waxaa la sheegayaa in hoormoonada qaar sida midka loo yaqaano Oxytocin ama Love

hormone uu jidhku sii daayo marka uu qofku qof taabto ama uu hab siiyo ay muhiim u tahay deganaanta nafsiyeed ee qofka.