Waad waynaa kartaa balse qasab mahan inaad caaqil noqoto .
Waxaa jira dood oranaysa markasata oo aad waynaato garaad ayaa kuu siyaadaya balse waxaan orankarnaa caqliga iyo xikmada cumrigu ma keeno ee waxaa keena aqoon iyo aqris tusaale ahaan qof 80 sano jira oo aan waxba aqrin waxna qorin iyo qof 20sano jira oo 1000 buug aqriyay keebaa garaad badan ?
Caqliga iyo garaadka waxaa lagu soo kooba laba hab oo ah :AQOON IYO OGAAL iyo WAAYA ARAGNIMO balse tan hore waxay in badani ka horeysa tan danbe.
waaya aragnimada sida magacaba aad ka dheehan karto; waaya aragnimo waxay ku koobantahy wixii uu arkay, maqlay qofku intii uu noola , balse aqoon iyo ogaal waxay ku dhirirsantahy inta ay jirtay nolosha aadanaha.
sidaa darteed xikamada iyo caqliga la is dheeryahy waa aqoonta iyo ogaalka , ma ahan da' hadii aadan waxba aqrin, waxba baran 50 sano oo hadda kadib ah jahli moyee , garaad kuu siyaadi maayo , marka laga reebo buug aad aqrisay iyo khabiir wax aad ka bawsatay .
Waxa aynu waayaha kabarano waa taba bar iyo digtooni .
Xidhiidhka ka dhaxeeya da'da iyo khaladaadka waa mid is dhaafsan mar kasta oo aad waynaato waxaa yaraanaya khaladaadka aad sameyneyso, waxay u badan tahay inaad horay usameysay khalad badan sidaas darteed hadaa aad ka digtoontahy inaad markale ku dhacdo qaladkii.
Hadaba qodobkani waxaan kabaraneyna laba arin oo muhiim ah taas oo dadka inta badan aanay ku baraarugsaneyn :
Tan hore qofka hadii aanu aqoon lahayn si kasta oo ay gushiisa u badato ama guudkiisu u caddaado garaadkiisu waa yaryahay.
Tan xigtana ee ugu muhiimsan waa in anaad sugin gugu inuu guul ku geeyo hadii adaan la imaan aqoon iyo aqli.