Khatarta dhegaha xadhig la’aanta ee apple air pods.



Daraasad cusub oo la sameeyey ayaa sheegtay in dhagaha xadhig la’aanta ah ee apple airpods la xaqiijiyey iney sababaan cudurka halista ah ee kansarka, sida ay isku raaceen culimo caafimaad oo gaadheysa 250 xeel dheere caafimaad. 

Apple airpods waxa uu ka mid yahay agabyada loogu iibsiga badan yahay caalamka. 250 Saynisyahanno oo ka soo jeeda 40 dal oo caalamka ah ayaa digniin u direy haayada caafimaad adduunka ee WHO kuna saabsan arrintan.

Waxaana lagu sheegay sababta ay qofka u dhaxal siin karaa cudurka halista ah ee kansarka air pods-ka oo leh kaahfalka hir-baacyada raadiyaha kaas oo lagu adeegsado Wi-fi-ga iyo Bluetooth oo khatar u ah kanaalka dhegta.